HomeUncategorized

Dhismaha Golaha Deegaanka degmada Garowe oo Meel-Gabo Gabo ah Maraya

Arbaco, Ogoosto 12, 2015 (Daljir) —uddiga loo xilsaarey dhismaha golaha deegaanka Degmada Garoowe ayaa maanta kulankii ugu horeysay ku yeeshey Caasumadda Garoowe.Shirka waxaa hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan “Karaash” waxaana uu ka warbixiyay halka ay mareyso dhismaha golaha deegaanka ee Caasumadda Garoowe.Axmed Karaash ayaa sheegey inay gacanta ku hayaa dhamman 27 xubnood ee loogu tala galay inay ka mid noqdaan Xildhibaanada Golaha Deegaanka balse ay ku hawlan yihiin sidii loo kala saari lahaa cidda u qalanta Jagadan iyo xal laga gaaro xubno khilaaf ka jiro.

Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale oo Muqdisho ku kulmay
Dhismaha iyo dayactirka terminal-ka madaarka Bander Qaasim, Bossaso oo dib u bilawday.
Baahin: Sabti, June 8 2013, Caawa Iyo Daljir Weriye Cabdirisaaq Silver ~ Daljir ~ Galkacyo

Arbaco, Ogoosto 12, 2015 (Daljir) —uddiga loo xilsaarey dhismaha golaha deegaanka Degmada Garoowe ayaa maanta kulankii ugu horeysay ku yeeshey Caasumadda Garoowe.Shirka waxaa hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan “Karaash” waxaana uu ka warbixiyay halka ay mareyso dhismaha golaha deegaanka ee Caasumadda Garoowe.Axmed Karaash ayaa sheegey inay gacanta ku hayaa dhamman 27 xubnood ee loogu  tala galay inay ka mid noqdaan Xildhibaanada Golaha Deegaanka balse ay ku hawlan yihiin sidii loo kala saari lahaa cidda u qalanta Jagadan iyo xal laga gaaro xubno khilaaf ka jiro.

“Waxaan gacanta ku haynaa kala shaandeynta  xubnaha, waxaan dhawaan la soo dhismi doona Golaha Degmada, waxaan u sheegayaa dadka khal-khalka wada inaysan jirin waxa mashaariic ah oo u hakaneysa dhismaha golaha Deegaanka Degmada,Dowladda iyada ayaa jecel hormarka Caasumadda marka waxaan u sheegayaa inaysan jirin waxa mashaariic ah oo joogsanaysa”Ayuu yiri Axmed Karaash.

Gudoomiyaha Guddiga ayaa sidoo kale sheegey inaysan Xildhibaanada Golaha deegaanka ka mid noqon karin qof aan u qalmin booskaan , maadaama Caasumaddu tahay muraayadii Puntland,Waxaana uu nabadoona kula dar-daarmay in booskan la keeno qof ku soo kordhin kara hanti iyo Aqoon.

Doorka haweenka ayu sheegey Axmed Karaash in loo baahanyahay sidii loo siin lahaa xubno muhiim ah, waxaana uu carabka ku adkeeyay inay xildhibaanadani noqdaan kuwo wax qabad, karti iyo aqoon leh hadii ay dhici weydana xukuumadda u fududahay sidii loo kala diri lahaa isla markaana loo keeni laa xubno wax qabta.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: