HomeUncategorized

Dhalxa oo Sh. Xasan ku eedeeyay wiiqidda maamullada uu ka tirsan yahay, shirkana ku tilmaamay mid lagu maja-xaabinaya dawladda.

Muqdisho, April 12 - Guddoomiyaha barlamaanka federaalka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa eedaymo ...

DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Jamaal Farax Aadan.
DHEGEYSO-Qaar kamid ah ganacsatada gaadiidka Boosaaso oo cabanaya.
Dhagayso Caawa iyo Daljir Isniin 25 – July – 2016 – Maxamed Cabdullaahi Cali Kooshin Studio Daljir Garowe

Muqdisho, April 12 – Guddoomiyaha barlamaanka federaalka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa eedaymo aad u kulul kala kulmaya xunbo ka tiran golihiisa iyada oo lagu eedaynayo in uu markale wiiqayo dawladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo ah xildhibaan ka tirsan golaha barlamaanka, marna ahaan jiray guddoomiye ku-xigeenka golahaas, ayaa waraysi khaas ah oo uu siiyay Daljir waxa uu si qoto-dheer ugu sharxay taariikhda siyaasadeed ee Shariif Xasan ku dhex-leeyahay siyaasadda dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

Mudane Dhalxa waxa uu dib u milicsaday sidii uu Shariif Xasan ugu tala-baxay shirkii wada-xaajoodka ee dawladdii federaalka ee uu hogaaminayay madaxwayne Cabdullaahi Yusuf la gashay maxkamadihii xilligaa ka soo horjeeday ee ku sugnaa magaalada Muqdisho, ka hor inti uunan labada dhinac dhex marin dagaal aad loogu hoobtay. Dhalxa waxa uu sheegay in xilligaa ayan dawladdu go’aan midaysan ka gaarin wixii laga yeeli lahaa shirkaas, balse iyada oo aan halkaa la isla gaarinba uu Shariif Xasan si iskii ah uu shirkaa uga qayb-galay illaa uu markii dambana iyagii ku biiray.

Prof. Dhalxa waxa uu sheegay in uu yahay ninka kaliya ee hoggaanka dawladda shkirkan uga qayb-galaya taasoo la mida tii kal hore iyo shirkii Suudaan ee 2007-dii, waxana uu ku dooday in howsha hadda socota ay tahay mid xukuumadeed ee ayan ahayn mid barlmaan. Waxa uu alleefay xittaa in uu barlamaanku ka fakarayo wixii tallaabo ah ee laga qaadi lahaa, taasoo xoojinaysa warar si hoose la iskula dhexmarayo oo sheegaya in qaar ka tirsan xubnaha barlamaanka oo gacan ka helaya madaxtooyada iyo xukuumadda ay ka shaqeeynayaan sidii xilka looga xayuubni lahaa guddoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxa uu sidoo kale Prof. Dhalaxa ka hadlay shirka iyo mowqifkiisa, isaga oo ku tilmaamay mid lagu maleegayo majaxaabooyin aad u agaasiman oo lagu ridayo dawladda iyo dawlad-goboleedyada jira ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Prof. Dhalxa waxa uu toosh ku sii daarayaa khilaaf aad u ballaaran oo ka dhex jira xubnaha barlamaaanka oo xilligan u muuqda kuwo si wayn ay ugu kala baratamayaan hogaamiyayaasha haykallada federaalka.

Diiwaanka wararka
Daljir,

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: