(Dhagayso) Maamulka Degmada Saaxo oo ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray Galmudug

Saaxo, 19, August, 2015 – Guddomiye kuxigeenka degmada Saaxo ee gobolka Mudug Mowliid Daahir Aadan ayaa nasiib-darro wayn ku tilmaamay hadal kasoo yeeray Kuxigeenka Madaxwaynaha Galmudug Xaashi, kaasoo la xiriira in degmada Saaxo ay ka tirsan tahay dhulka Galmudug.
 
Mudane Mowliid ayaa waraysi uu siiyay Daljir waxaa uu ku caddeeyay in aysan macno badan samaynayn sheegada Galmudug, wuxuuna tilmaamay Galmudug in ay dhaqan u tahay dhul aysan ka talin amase aysan lahayn in ay sheegato.
 
\”Degmada Saaxo annagaa iska leh, wuxay la mid tahay xaduudkeenu waa Burtilne oo kale, waa hadalkaasina waxaa uu u muuqdaa hurin colaadeed, saaxo waa dhul ka tirsan Puntland, waligeedna way ahaan-doontaa, waxaase u arkaa Galmudug in ay hurinayso colaad deegaan iyo mid dadeed oo dib u qarxa\”
 
G. Kuxiggeenka degmada Saaxo ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in Galmudug oo aan xukunkeedu gaarin Dhuuso-mareeb in ay sheegato Saaxo, waxaana isagoo hadalkiisa sii wata uu sheegay in dadka reer Puntland ee degmada Saaxo ay diyaar u yihiin deegaankooda in ay difaacdaan, dariskoodana nabad kula noolaadaan.
 
Halkaan ka dhagayso waraysi uu siiyay Maxamed C/llaahi Cali Kooshin
 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com