Dawladda Sucuudiga oo ka odayeysay, xabbad joojinna dhex dhigtay dawladda iyo mucaaradka Yemen.

Sanca, June, 04 – Boqorka dalka Sucuudiga Boqor Cabdalla ayaa heshiis xabbad joojin ah dhex dhigay dawladda Yamen iyo wadaadka ay qabaa?ilku taageeraan ee Sh. Saadiq Al-axmar maalin ka dib markii uu madaxweynaha dalkaasi Cali Cabdalla Saalax iyo mas?uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha baarlamaanka iyo R/wasaaruhuba ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday xarunta madaxtooyada ee magaalada Sanca.

Xuseen Xaaji Axmed oo ah qunsulka safaaradda Somalida ee Cadan ayaa waraysi uu caawa siiyey idaacadda Daljir ku sheegay in xabbad joojintu ay isla caawaba dhaqan gashay, ayna dawladda Sucuudigu daadguraynayso dhaawaca mas?uuliyiinta Yamen gaar ahaan kuwa xaaladoodu liidato.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya xaaladda uu ku sugan yahay M/weyne Saalax, waxaana ay dawladdu sheegtay in madaxweynuhu aad u fiican yahay uuna ka soo kabanayo dhaawicii ka soo gaaray weerarkii salaaddii jimce ee shalay. Laakiin warar kale ayaa sheegaya in qaar ka mid ah jirka madaxweyuhu uu gubtay sida qoorta iyo laabta.

Qunsulka safaaradda Somalida Xuseen Xaaji Axmed ayaa dhinaca kalena sheegay in xaalad halis ah ay ku sugan yihiin Somalida qaxootiga ku ah dalkaasi, gaar ahaan meelaha lagu dagaalamay ayna tahay dadkaasi loo gurmado.

Axmed Sh. Maxamed ?Tallman
Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com