Dawladda Soomaaliya oo ka qayb galaysa shir madaxeedka wadamada ururka Islaamka

HomeWararka

Dawladda Soomaaliya oo ka qayb galaysa shir madaxeedka wadamada ururka Islaamka

Waxaa habeenimadii xalay gaaray magaalada Jiddah  ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya wafdi  hordhac u ah  Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliy

Garoonka diyaaradaha ee Sanca oo dib loo furay muddo sanado ah ka dib
Xulashada Daljir & Cumar Lakiman iyo Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Afar kamida Askarta Turkiga ayaa lagu Dilay Weerar ka Dhacay Syria

Waxaa habeenimadii xalay gaaray magaalada Jiddah  ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya wafdi  hordhac u ah  Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo uga qayb gali doona shir madaxeedka Wadamada Ururada Islaamka .

Waftigan ayaa waxaa hogaaminayey Wasiirka Wasaarada arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Calamigaa Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Amniga Abuukar Islow Ducaale ,

isla markaana waxaa Garoonka diyaaradaha Boqor Cabdicasiis kusoo dhawayey Ergayga Ergada Joogtada JFS ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Danjire Cabdirasaaq Siyaad Cabdi (Sancaani) iyo xubno kale.

Sidoo kale wafdiga ayaa kulamo la qaatay Siihayaha Safaarada Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mudane Saalim Macow Xaaji iyo Qunsulka Guud ee Magalada Jeddah Mudae Ilyas Sheekh Cumar Abuubakar.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa Magaaladda Maka Al-mukarama ee dalka Sacuudiga waxaa uga qeyb geli doonaan Shir Madaxeedka Wadamada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC),kaasi oo  Khamiista soo socota si rasmi ah u furmi doona.

Shirkaas ayaa waxaa uu socon doonaa muddo 2 maalmood ah, waxaana qorshuhu yahay inay Hoggaamiyayaasha dalalka Khaliijka, kuwa Carabta iyo Islaamka ka qeyb geli doonaan Shirkaasi.

Sawiro.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: