Dawladda Puntland oo xayiraaddii ka qaaday idaacadda VOA-da, qaybta af-Somaliga.

Bosaso, Oct 09 – Dawladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay xayiraaddii ka qaaday idaacadda VOA-da laanteeda Af-Soomaaliga iyo wariyaashii uga shaqaynayey Puntland, kuwaasi oo dhowr maalmood ka hor lagu soo rogay xayiraad xagga howlahoodii warbaahineed ah.

Hadalka lagu fasaxay idaacadda VOA-da ayaa idaacadda Daljir ka soo xigatay wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta Puntland ahna sii haya xilka wasiirka C/shakuur Mire Aadan, waxaana uu tilmaamay hadda wixii ka danbeeyey in ay shaqadooda wadan karaan idaacadda iyo wariyaashii uga howl-galayey Puntland oo ay iyagu dhawaan shaqada ka hakiyeen.

Wasiirku waxaa uu tilmaamay idaacadda in lagu fasaxay kadib markii mas?uuliyiinta idaacaddaasi iyo iyagu ay isla meeldhigeen dhammaan waxyaabihii ay isku maan-dhaafsanaayeen ee dhaliyey hakinta howlaha shaqo ee idaacadda.

Xayiraadda idaacadda ayaa dawladdu u adeegsaday eedaymo ku saabsan in ay siidaysay warar iyo barnaamijyo ka soo horjeeda nabadda iyo jiritaanka dawladda Puntland, hase yeeshee mas?uuliyiinta idaacadda ayaa sheegay eedaymahaasi in ay xaqiiqda ka fog-yihiin.

Dawladdu waxay amar ku bixisay xilligaasi in aysan wariyaasha idaacadda VOA-du wax war ah ka diri karan gobollada Puntland, waxaana dhinaca kale idaacadaha gudaha lagu amray in aysan siidayn idaacadda VOA-da.

Galabta ayaa lagu wadaa mas?uuliyiinta dawladdu in ay shir ku qabtaan aqalka madaxtooyada ee magaalada Boosaaso kaasi oo ay uga hadli doonaan xayiraaddii idaacadda VOA-da iyo xilligaan wixii ay ku heshiiyeen.

C/fitaax Cumar Geedd?
Idaacadda Daljir.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com