Dawlada Puntland oo sheegtay in dagaalkii ka dhacay Buuhoodle aanu ahayn mid siyaasadeed, balse ku yimid jawi & cimilo aan la filayn.

Garowe, May 21 – Iyada oo uu maanta Dagaal ku Dhex maray Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn Ciidamo Itoobiyaan ah iyo dhallinyaro la sheegay in ay ahaayeen qaadwale reer Buuhoodle ah ayaa la sheegay in uu dagaalku gaystay khasaare isugu dhafan dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhacay dhinaca qorrax u dhaca ee hoos yimaada maamulka Itoobiya.

Shir jaraa’id oo uu Caawa ku Qabtey Xarunta Madaxtooyada Garoowe wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Puntland Cabdiqani Salaad Gurey ayaa Waxaa ay Dawlada Puntland uga Hadashey Dagaalkii Maanta ka Dhacey Buuhoodle.

Md. Gurey Waxaana uu Sheegay in ay Dawlada Puntland Tacsi Tiiraanyo Leh u Dirayso Eheladii iyo Qaraabadii ay ka Geeryoodeen Dadkii ku Dhintey Dagaalkaasi Maanta Buuhoodle ka Dhacey.

Waxaa Dawlada Puntland ay Sheegey in ay Rajeyneyso in Dagaalkaasi uu intaasi ku ekaado.

Wasiiirku waxaa uu intaasi ku Daray in Dawlada Ethopia ay Tahay Dawlada Daris Wanaagsan la ah Puntland, ayna ka Dhaxeyso Puntland iyo Ethopia Xiriir Wadashaqeyneed, Dagaalaana uu san ahayn Mid salka ku Haya Arimo Siyaasadeed, Balse uu Yahay Mid ku Yimid Jawi iyo Cimilo aan La Fileyn.

Dhinaca Kale, Waxaa isna Shirkaasi ka Bacdi Idaacada Daljir ay Waraysi kala Yeelatay Dagaalkaasi Gudoomiyaha Gobolka Cayn Xariir Maxamuud Axmed oo Sheegey inuu Aad uga Xun yahay Dagaalkaasi, Tacsina uu u Dirayo Eheladii iyo Qaraabadii Dadkii ku Dhintey Dagaalkaasi.

Waxaa Gudoomiyuhu ugu Sheegey in Shacabka ku Nool Magaalada Buuhoodle Lagu Yaqaaney Dad ka Shaqeeya Nadaba, loogana baahan yahay in ka feejignaan wixii nabadda wax u dhimi kara.

Md. Xariir ayaa Baaq Nabadeed u Diray Shacabka ku Nool Gobolka Cayn, kuna taliyey in Issimada loo daayo dejinta iyo xallinta dhibka dhacay.

Mahamed Abdulahi Ali ‘Kooshin’
Idaacada Daljir, Garoowe

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com