Dardar Gelinta Howlaha Xukuumadda oo Muqdisho Looga Shiray

HomeWararka

Dardar Gelinta Howlaha Xukuumadda oo Muqdisho Looga Shiray

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka qeyb galay Madal looga hadlayay dar-dar galinta wax qabadka Xakuumadda Federaalk

Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Taliyaha Cusub ee Ciidanka Madaxtooyadda Muqdisho oo xilka la wareegay
Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Garoowe (dhegayso)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka qeyb galay Madal looga hadlayay dar-dar galinta wax qabadka Xakuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Diyaarinta qorsha Xukumadda ee wax qabadka 90-ka maaalmood.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka jeediyey Munaasabadda Khudbad ka hadlaysa qorsha Xukumaddu ay ku doonayso in ay dalkaan ka hormariso dhinacyada kala ah Siyaasadda Arrimaha gudaha ,dhaqalaha, waxbarashadda, Caafimadka iyo midnimadda siyaasadda Midaysan ee Caalamku Soomaaliya kula macaamilayso .

“waa inan shacabka dhex galnaa oo an dhageysanaa talooyinkoodda ,waa inan aqbalnaa Isla xisaabtanka ,waa inan Ciidankeena dhiiri galinaa Ciidankeena aniga xitaa hadii ay iigu yeeraan inan ugu tago meesha ay jogaan xitaa hadii aan naftayda ku waynayo”.ayuu yiri R/wasaaraha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay Wasiirada madasha ka soo qeybgalay ayaa ku booriyay in ay ka faa’ideestaan Fursadda Wanaagsan oo ay Dalkooda iyo shacabkooda maanta dhibaatada ay kaga saari karaan.

“Maanta waxaad haysataan Fursad wanaagsan oo aad dalkiina uga saartaan Dhibaatadda, isla markaana ad samaysaan Tariik lagu xasuusto Xukumadda ,taana waxaad ku samayn karaysaan in ad wada shaqayn wanaagsan yeelataan dhexdiina “ayuu yiri Ra’iisul wasaaraaha

Madasha lagu soo bandhigayay waxqabadka Xukuumadda waxaa lagu sharxay Boorar ay ku xardhanyihiin halkudhigyo ay ka mid yihiin “Kororka kalsoonida Sahacabka waa korarka Daqliga Xukuumadda” iyo “Amniga waa udub-dhaxaadka Hormarka Bulashada”

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: