Dagaalo kharaar oo ka dhacay Muqdisho, iyada oo sarkaal sarena uu dhintey, ajaanibna gacanta lagu dhigey. [Akhris …]

Muqdisho, July 11 – Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka soo cusboonaadey mid ka mid ah Mawjadihii xasillooni darro ee ka jirtey indhawaalaba halkaas.

Maanta ayaa marka waxaa isku fara saarey ciidammada DFKMG iyo Malleeshiyaadka kooxaha Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa waxaa la isku adeegsadey hubka Noocyadiisa kala duwan.

Waxaa uu dagaalka ka hogtey Waaberigii Saaka Degmada Cabdulcasiis iyo Kawaankii hore ee Liido ayaa waxaa uu ku sii fidiyaa deegaanno hor leh.

Waxaana ku dhintey dagaalkii Saaka dhacay Agaasimihii Waaxda Ammaanka ee Gobobolka Banaadir Nuur Xassan Cali (Daqle), iyada oo DFKMG ay sheegtey in ay ku qab qabatey Labo Ajaaniib ah dagaalkii Saaka dhacay.

Dhimashada uu sababey dagaalkii Saaka ayaan ahayn mid aan yareyn iyada oo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada dhimashada ee uu sababey dagaalkii Saaka, waxaana dadkii ku soo dhaawacmey lagu sheegey illaa iyo dhawr iyo toban qof ku waas oo qaba dhaawacyo kala geddisan.

Waxaa suurta gal ah in uu sii bato khasaaraha maaddaama uu dagaalkana socda iyada oo laga cabsi qabo deegaanno kale in ay dirirtu ku sii baahdo.

C/fitaax Cumar Geeddi
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com