Dagaallo dad ay ku dhinteen oo ka dhacay Shabeellada Dhexe.[Akhris …]

Jawhar, June 28- Ugu yaraan Saddex qof ayaa ku geeriyoodey tiro intaas ka badanna dhaawac ayaa ka soo gaarey kaddib markii dagaal beeleed uu ka qarxey degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Dagaalkaan oo markii hore ku bilawdey si yar ayaa markii danbe waxaa uu isu baddalay mid xooggan waxaana iminka halkaasi ka jirta xiisad colaadeed oo aad u ballaadhan.

Dadka ku dhaawacmey iska hor imaadkan ayaa waxaa la geeyo xarumo Caafimaad oo ku yaalla gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana saraakiisha Caafimaadka ay sheegayaan in dhaawacyadu ay isugu jiraan kuwo liita iyo kuwo fudud.

Xiisadaha colaadeed ee halkaas ka taagan iminka ayaa waxaa keenaya iyada oo ay jiraan malleeshiyo beeloodyo u soo fidinaya gurmad labada dhinac ee dirirtu u dhaxeyso, waxaana ay arrinta ay salka ku hayso muran ku aaddan daaqsin iyo deegaan la isku haysto.

Illaa iyo haatan ma jirto cid soo kala dhex gashay labada beelood ee isku haya halkaas mana jiraan wax calaamado dhex dhexaadin ah oo iminka muuqata dhammaanba deegaannada uu gobolkaas ka koobanyahay maaddaama aysan jirin cid isku xil saarta in ay qaboojiso xiisadda soo cusboonaatey, iyada oo ay dhici karto in xaaladda ay ka sii darto la iskuna faro saaro marar kale.

Ma?ahan markii ugu horreysey oo dagaal noocan oo kale ah uu ka dhaco deegaanka haatan xasaraddu ay ka taagantahay, waxaana uu ku soo beegmaya dagaalka haatan dhacaya xilli awoodda gobolkaasi ay gacanta ku hayaan Ururka Al Shabaab.

Cabadifitaax Cumar Geeddi.
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com