Dad ku dhintay toogasho ka dhacday Gobalka California

Dad ku dhintay toogasho ka dhacday Gobalka California

Ugu yaraan 5 qof ayaa lagu toogtay goob ay ka socotay Dabaaldeg Sannadeed dhanka cuntada ah ee Gobalka California kadib markii uu Nin hubeysan uu tacshiirad ku furay dad isugu soo baxay goobta uu ka socday Dabaaldega, sida ay sheegeen Boliska iyo Saraakiisha Isbitaalka.

Shaqaalaha Gurmadka waxay sheegeen inay dhowr qof dhulka yaaleen, kadib, markii ay rasaasta ka shanqarmatay Dabaaldegga Gilory Garlic Festival oo sannad kasta lagu qabtay Degmadda Gilory oo 48 KM dhanka Koonfurta kaga toosan magaalladda San Jose.

Afhayeenadda Xarunta Daaweynta ee Santa Clara Valley Medical Center oola hadashay Telefishinka ABC News waxay sheegtay in la soo gaarsiiyey 2 qof oo lagu soo dhaawacay Toogashadaasi, isla markaana ay rajeynayaa in ugu yaraan 3 kale la soo gaarsiiyo Isbitaalka

Madaxweyne Donald Trump waxa uu Bartiisa Twitterka soo dhigay qoraal uu dadka ku sugnaa Dabaaldegaasi uu uga digayay arimahan, wuxuuna qoraalkiisa ku soo koobay: “Noqda kuwa ka taxadara Amnigooda”.

Dabaaldeg Cunteedkaasi oo la asaasay muddo haatan laga joogp 40-sanno waxa uu socon doonaan muddo 3 malamood, iyadoo lagu soo bandhigayo noocyadda Cuntada, Sharaabka, Madadaalo Toos ah iyo Tartan Cunto-karin ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com