HomeUncategorized

Dabaal degga 1da Agoos oo aan saaka laga marin Puntland.

Galkacyo, Agau, 01 2016-Magaalooyinka waaweyn ee Puntland kama dhicin saaka munaasabaddo iyo dhoola tusyo waaweyn oo lagu xusayo 1da agoosto oo ku beegan xilligii ladhisay Puntland sanadkii 1998-dii.

Axmed Madoobe oo ku Wajahan Muqdisho
Xubno ka ka socda jaaliyada Puntland ee magaalada Leicester, UK oo la kulmay qaar saxaafada maxalliga ah ee Puntland.
DHEGEYSO-Dhaawacyada ciidanka Galmudug oo lagaarsiiyey Muqdisho.

Galkacyo, Agau, 01 2016-Magaalooyinka waaweyn ee Puntland kama dhicin saaka munaasabaddo iyo dhoola tusyo waaweyn oo lagu xusayo 1da agoosto oo ku beegan xilligii ladhisay Puntland sanadkii 1998-dii.

Taas bedelkeeda waxaa caawa magaalooyinkaasi iyo meelo badan oo kamid a dalka iyo dibadda kadhacaya munaasabado ballaaran oo lagu maamuusayo aasaaska Puntland, iyadoona munaasabadda ugu ballaaran lagu qaban doono magaalada Caasimadda ah.

Afhayeenka madaxtooyada dowladda Puntland Cabdullaahi Jaamac Quraan-jecel oo shalay lahadlay Daljir ayaa xusay in ladhigi doono munaasabado ballaaran oo midda ugu weyni kadhici doonto xarunta madaxtooyada ee magaalada Garoowe.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: