Axmed Madoobe oo ku Wajahan Muqdisho

Axad, Oktoobar 18, 2015 (Daljir) —Wafti uu hogaaminayo Madxaweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ka kooban labada gole ayaa u ambabaxay magaalada Muqdisho’ iyagoo ka qayb gali doono shr looga hadlayo doorashada 2016.

Waxaa lagu wadaa in maanta uu Muqdisho ka furmo shir looga hadlayo doorashada Soomaaliya ee sanadka 2016ka qaabka udhici lahayd’ maamulada dalka iyo dowladda fadaraalka ayaana kawada hadli doona.

Madaxweyne Gaas ayaa isna kuwajan maanta Muqdisho’ waxaana uu shirkaa dabo socda shir bishii hore ka dhacay Muqdisho oo la hadlayey arimaha Soomaaliya.

Jubbaland ‘Puntland ‘Koonfur galbeed iyo Galmudug ayaa shirka qayb gali doona’ dowladda fadaalka ayaa iyana dhankeeda shir ka qayb gali doonto’ iyadoo la sheegay in siday udhici lahayd doorashadu laga wada hadli doono.

Horay waxaa u dhaqan gali wayday in Soomaaliya laga qabto doorasho qof iyo codkii ah Sanadka 2016′waxaana hada maamul goboleedyada iyo dowladda fadaraalku rabaan inay meel isla dhigaan sida ay u arkaan inay udhacdo doorashadu.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com