Dab khasaare gaystay oo ka kacay suuqa meeraysane ee Garoowe (Sawirro)

Meherad laga cunreeyo oo ku taalay bartamaha suuqa meeraysane ee magaalada Garoowe ayaa waxaa ka kacay maanta dab gaystay khasaare hantiyeed inkastoo aysan jirin cid wax ku noqotay.

Dabkan ayaa waxa uu ka kacay haanta Gaaska ee cuntada lagu karsado oo taalag gudaha meheradan.

Daminta dabkan ayaa waxaa kaalin laxaadleh ka qaatay dadweynaha Garoowe oo isticmaalayay sakeelada biyaha lagu shubto si ay dabka u baqtiyaan iyo booyadaha biyaha ee ka dhex shaqeeya magaalada.

Sida aad ka dheehan kartaan sawiradan hoose waxaanba goobtan iman oo aan kamuuqan gaadiidkii Dab-Damiska ahaa ee dhawaan lagu wareejiyay dowldda hoose ee degmada Garoowe.

Hadaba maxaa lagu qabtaa gaadiidkan ? yaa loogu talagalay in loogu adeego? maxay tahay sababta ay dowladda hoose uga maqnayd goobtan? su,aalahan iyo kuwo kale waraysi ku saabsan goor dhaw naga fisha.

Xasan Heykal, radio Daljir Bosaaso.
Sawiro.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com