Dab ka dhashay shoodh koronto oo gubey guri ku yaala magaaladda Buuhoodle.

Buuhoodle, Jan 02 – Dabkani ayaa ka dhashay sida la sheegay fiilo laydhka u keenta gurigaasi taasi oo la sheegay inay dhalisay shoodh sabbaay gubashada qayb ka mid ah gurigaasi.

Gurigan oo ay badbaadintiisa u gurmadeen shacab weyne tira badan ayaa waxaa damintiisa ka qayb qaatay booyadaha biyaha daabula kuwaasi oo markii danbe ku guulaystay badbaadinta gurigaasi marka laga reebo hal qol oo ah nooca jiifka oo markii horaba uu dabku ka bilowday.

Shilalka dabka ee noocan oo kale ah ayaa ku soo noqnoqda magaalada Buuhoodle waxaana inta badan arimahani ka dhashaan cilad dhinaca korontadda ah iyadoo hada ka horna ay gubteen tiro guryo ah oo sababsaday arimaha korontadda.

Magaaladda Buuhoodle oo sanad kasta uu ka dhaco shilka dabka oo ah waxyaabaha khasaaraha xun u geysta cidii uu markaasi hantidooda haleelo ayaa maanta waxaa uu dab qabsaday guri ku yaala suuqa ama bartamaha Magaaladda Buuhoodle.

Magaalada ayaan lahayn haba yaraatee waxyaabah lagaga hortago dhacdooyinka noocan ah; ganacsatadda, shirkadaha isgaarsiinta iyo qurba joogta deegaankan ayaan iyagu ahayn kuwo marna ku fikira horumarinta magaaladda ee dhinac kasta waxayna yihiin dhamaan tood kuwo danta shaqsiyadeed ka hormariya tan guud.

Dhanka kale Magaaladda Buuhoodle ayaan wixii ka danbeeyey 1990 marna nasiib u yeelan maamul shaqeeya kaasi oo wax ka qabta arimaha bulshadda. Dawlada Puntland ayaa mudadii ay jirtey mar walba u soo magacaabaysey gudoomiye gobol, Taliye Bilays, Iyo Duq degmo hase ahaatee marka lamagacaabo ayaan bartaasi laga qaadin, ma jirto wax la xisaabtan, daba gal ama dhiiri gelin ah oo xukuumadu ku samayso masuuliyiinta ay usoo igmato gobolka, inta badana cida looso magacaabo gobolka ayaan ahayn kuwo kutaga rabitaan shacab, aqoon maamul iyo karti waxqabad, balse waxay yihiin shaqsiyaad ku taga arimo garab ah waana ta sababatay in mudo 13 sano ah oo Puntland dhisnayd uusan marna ka hirgelin maamul shaqeeyaa magaaladda Buuhoodle, iyadoo mas’uuliyiinta halkan loo soo magacaabaa ay mudadooda ku dhamaystaan magac u yaal ahaan.

Iskusoo wada duuboo magaaladda Buuhoodle oo hada ah magaalo weyn marka la eego dhinaca dhismaha oo aad ku arkayso maalin walba daar qurux badan oo la taagey hadana waxba ugama hooseeyaan oo waxay ka dayacantahay dhamaanba agabkii iyo adeegyadii magaalo weyn lagu yaqaaney, arintaasi oo ay sababteda leeyihiin dadka dega meel kastaba ha joogaane, waxaana marka la sii eego arimaha hoose ee magaalada Buuhoodle aad is odhanaysaa dadkii magaaladda lahaa waa ka maqan yihiin, dadka hada joogaana waa geedi kusii habeen dhaxaya halkani.

Khadar Cawl Ismaaciil
Idaacada Daljir Buuhoodle.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com