Culimada Puntland oo bilaabay kulamo dadka loogu wacyi-geliyo muhiimada amniga iyo maamulka

Garoowe, December 24, 2013 – Culimo Aw-diinka Puntland ayaa bilaabay nadwo balaaran oo looga hadlayo muhiimada nabad-gelyadu leedahay xili kasta, waxaase lagu saleeyey wakhtiga doorashada la filayo inay ka dhacdo Puntland.

Culimada ayaa ka dalbaday shacabka, maamulka iyo siyaasiyiinta inay dhowraan nabadgelyada iyo xasiloonida guud, sidoo kale waxaa kulan diimeedka lagu soo qaaday muhiimada maamulku u leeyahay dadka.

Musharixiinta iyo madaxweynaha ayey culimadu ka codsadeen inay khilaafkoda ku dhameeyaan wada-hadal, si looga gudbo caqabada taagan ee cabsida ku abuuray rayidka.

Xubnaha baarlamanka la soo xulayo ayey culimadu ka codsadeen inay musuq maasuq iyo nin jeclaysi ka fogaadaan, sida uu khudbadiisa ku sheegay Sheikh Cabdiqani Qorane oo ka mid ahaa culimada xalay hadlay.

Culimada Puntland ee kulanka diimeedka ka hadlay ayaa dadka ku baraarujiyey muhiimada amniga iyo maamulku u leeyahay dadka, waxay rajo ka qabaan culimadu in barnaamijka la gaarsiiyo guud ahaan gobollada oo idil.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com