“Colaadda Kalshaale waxaa ay ku haboonayd in loo daayo beeluhu in ay ka heshiiyaan. ” Col. Indhayare.

Galkacyo, Feb 22 – Colaadda ka taagan degaanno ka mid ah gobolka Cayn ee khasaaraha baahsan gaystay, walina aanay muuqan ifafaallo muujinaya dhammaadka dirirtaasi, ayaa haddana siyaabo kala duwan xalkeeda loo oddorosayaa.

Col Maxamuud C/hi Indhoyare oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee Soomaaliya, isla markaana isagoo ku sugan degmada Burtinle ee Nugaal u warramay radio Daljir ayaa ku sheegey dagaalka Cayn in ay u muuqato mid aanay xalkeedu dhawayn marka la eego hannaanka ay colaaddaasi u qotonto.

?Dagaalkaasi xaalad xun oo aan hore u jiri jirin buu abuurayaa, hurgumo xun buu abuurayaa, cuqdad aan dhammaad lahayn buu abuurayaa, dadkii isdhalay, isla dhashay, deriska ahaa, wax wada cuni jiray, is-dhex mari jiray, walaalaha ahaa, magaca soomaalinnimada iyo afsoomaaligu ka dhexeeyey aad iyo aad iyo aad buu u kala fogaynayaa? ayuu yidhi Col Indhayare isagoo eegayay cawaaqib xumada laga dhaxli karo colaaddan.

Xalka kaliya ee dagaalkaas lagu joojin kari lahaa ayaa uu sarkaalkan ku sheegey in ay tahay in la dabaqabto colaaddan, ?Dagaalka Cayn Allaylehee hubsiimiyo hakin buu u baahnaa? ayuu intaa raaciyay mar uu ka jawaabayay xalka dagaalkaas iyo oddorosaaddiisa oo ay Daljir waydiisay.

Aragtida madaxda Somaliland ee dagaalkaas ku aaddan ayuu Col C/hi ku tilmaamay in ay tahay mid aan marna nabad ku soo aroorin Karin colaadda ka oogantay Cayn, waxana uu talo ahaan u soo jeediyay in dagaalka xudduntiisu ay tahay Kalshaale lagu simo beelaha diriray, oo aanay gacan kale colaadda taageerin, isla markaana ay habboontahay in ciidamada Somaliland aanay ku lug lahaan colaaddaas, saldhigyda ay degaankaas ka samaysteenna ay marxaladda taagan majare habaabin doonto, haddii ciidamada Somaliland jiiddaas laga saarin.

Mar uu ka hadlayay Col Maxamuud C/hi Indhoyare dagaallada degaannada iyo daaqa ku salaysan, waxa uu tusaale u soo qaatay dagaallo ka dhacay degaanno u dhexeeya Caabudwaaq iyo Hiiraan, kuwo ka dhacay inta u dhaxaysa Hobyo iyo Cadaado, iyo dagaallo kale oo Mudug ka dhacay, kuwaas oo uu dhammaantood sheegey in dadka ay dirirtu dhex martay ay xalka iskood u haleeleen, balse colaadda Kalshaale ayuu ku tilmaamay mid aan mudnayn in uu maamul ku lug yeesho, taasina ay colaadda taagan cawaaqibkeeda xumayn doonto.

Adam Shardi Axmed
Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com