Colaada Dalka Itoobiya oo Saamaysay Khudaartii Dalka imaan jirtay (dhegayso)

HomeWararka

Colaada Dalka Itoobiya oo Saamaysay Khudaartii Dalka imaan jirtay (dhegayso)

Degaanada Puntland waxaa waqtigaan ka jiraan qiimo koror ku yimid Khudaarta ,miraha iyo dalagyada raashinka ee dalka ka soo go'a iyadoo la waayay Khud

Baraarugga Haweenka | Daljir & BBCMA |Taxana 128 -AAD Xaawo Axmed & Sunni|
Abukar Arman: Falaanqeynta khataraha ku soo fooleh Soomaaliya waqtiga dhow iyo kan fog (Dalmar TV)
Sheeko Gaaban: Sheekada Ismadhaanto – Taxanaha 34aad

Degaanada Puntland waxaa waqtigaan ka jiraan qiimo koror ku yimid Khudaarta ,miraha iyo dalagyada raashinka ee dalka ka soo go’a iyadoo la waayay Khudaartii dibada ka imaan jirtay.

Suuq-yada Khudaarta Puntland waxaa toddobaadyadii ugu dambeeyay saameyn ku yeeshay Colaada kasoo cusboonaatay Dalka Itoobiya ee u dhaxaysa Soomaalida iyo Qawmiyada Orromada .

Dhammaan waxaa is taagay Khudaartii Soomaaliya uga imaan jirtay Dalka Itoobiya ,maadama la joojiyay isku socodka Gadiidka ee Guddaha Dalka Soomaaliya iyo waddanka Itoobiya.

Dhanka kale khudaarta, miraha iyo dalagyada raashinka ee dalka ka soo go’a ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac aad u ballaaran kaddib markii ay yaaraadeen wax soo saarkii Beeraha dalka ee Koonfurta Soomaaliya.

Colaada kasoo cusboonaatay Soomaalida iyo Orromada Dalka Itoobiya ayaa saameyn weyn ku yeelatay dalabyada dadka ee khudrada ka imaan jirtay dalka itoobiya taasoo sii kordhisay sicirka, waxaana suuqyada ka jira saxmad aad u badan.

Hibo Axmed Maxamed Xirsi oo kamid ah Ganacsatada Khudaartu usoo dagto ayaa Raadiyo Daljir u sheegtay in saameyn ballaaran oo dhinaca nolosha ah ay ku yeelatay Colaada Dalka itoobiya maadama ganacsiga ay ku tiirsanayd noloshooda.

Maryan Cali waa mid ka mid ah ganacsatada iibisa Khudaarta waxa ay sheegtay in xilligan dhibaato xooggan ay ku qabaan ganacsiga Khudaarta maadaama isbedel xooggan uu ku yimid Khudaartii ka imaan jirtay Itoobiya oo la waayay.

“Qiimaha ugu macquulsan ee xiligan la iibin karo yaanyada waa lacag dhan 70 kun oo shilinka Somaliga ah, tanagga yaanyada suuqyada Garoowe wuxuu ka marayaa qiimo dhan 840 kun oo shillinka Soomaaliga ah.” Ayyeey tiri Maryama.

Dadka reer Garoowe ayaa si aad ah uga cabanaya isbedelkaan ku yimid Qiimaha Khudaarta Suuqyada Magaalada Garoowe ,maadama la waayay Khudaartii ka imaan jirtay Itoobiya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: