Col Gabre xarigiisa oo laga soo dhoweeyey Villa Soomaaliya

HomeWararka

Col Gabre xarigiisa oo laga soo dhoweeyey Villa Soomaaliya

Colonel Gebregziabher Alemseged oo Soomaaliya looga yaqaano Col. Gabre ayaa la dhigay xabsi ku yaala magaalada Addisbaba ee caasimadda Itoobiya, isago

RW Xasan Cali khayre oo Gaaray Dalka Belgium-ka
AMISOM oo walac ka muujisay in Ciidamadda Maraykanka laga saaro Somaaliya
Yaasin Cabdisamad: ” Somaliland waa la iska difaacaya, Cashar ayaa loo dhigayaa ,Shacabkuna hatageero dowladda” (dhegayso)

Colonel Gebregziabher Alemseged oo Soomaaliya looga yaqaano Col. Gabre ayaa la dhigay xabsi ku yaala magaalada Addisbaba ee caasimadda Itoobiya, isagoo loo haysto dibadbaxyadii dadka ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Jigjiga iyo gabood falo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha oo uu ka gaystay gudaha gobolka Soomaalida ee Itoobiya ay maamusho.

Col. ayaa bishii June laga eryayay xafiiska urur goboleedkada IGAD oo uu ka ahaa la taliye sare, waxaana sidoo kalle horay uu usoo noqday taliyihii ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ka howlgala , waxaana uu ka mid ahaa sarkaal saamayn ku leh siyaasadda Soomaaliya.

Wadanka Itoobiya ayaa xabsiga la dhigay inbadan oo ka mid ah saraakiisha dalkaasi, kadib markii uu xilka qabtay Axmed Abey oo isbadal saamayn ku yeeshay Geeska Afrika sameeyey, isagoona sidoo kalle soo afjaray colaaddii dalkaasi kala dhaxaysay wadanka Eriteriya.

Agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Villa Soomaaliya Cabdinuur Maxamed ayaa ku tilmaamay xarigga Gabre inuu muujinayo sida Itoobiya ay uga go’antahay xasiloonida Geeska Afrika.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: