Al-shabaab oo xayiraad kusoo rogtay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo

Al-shabaab oo xayiraad kusoo rogtay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo

Al-shabaab oo ka talisa deegaano hoos yimaada degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa go’doomiyay degmada Baladxaawo iyagoo kajawaabaya amar kasoo baxay maamulka degmada oo lagu mamnuucay in xaasaska Al-shabaab iyo carruurta ay ka baxaan magaalada.

Wararka laga helayo magaalada Baladxaawo ayaa sheegaya in Shabaabku soo rogeen in wax gaadiid ah u gudbi karin magaalada Baladxaawo iyagoo istaagay waddooyinka loo mari jiray magaalada.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa soo sheegay in waxyaabo muhiim u ah noloshooda aanay hadda haysan, sidaasi darteed loo baahanyahay in wax laga qabto.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com