CIA-da oo sheegtay in dilkii Jamaal Khashojji uu amray dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan

CIA-da oo sheegtay in dilkii Jamaal Khashojji uu amray dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan

CIA-da Mareykanka ayaa sheegtay in dilkii wariye Jamaal Khashojji uu amray ninka isla leh dhaxalka boqortooyada Sacuudiga ee Maxamed Bin Salmaan

Sida ay sheegtay wargayska Washington Post saraakiisha Mareykanka ayaa kalsooni ugu qaba warbixinta CIA-da ee shirqoolka iyo amarka lagu dilay Jamaal Kashojji inuu lahaa Maxamed Bin Salamaan, arrintan oo imaanaysa iyadoo madaxwayne Trump uu ilaalinayo xiriirka kala dhaxeeya mid ka mid ah isbahaysiga ugu dhow ee Bariga dhexe uu ku leeyahay.

Washington Post iyo AP ayaa shaaciyay saraakiil aan magacyadooda la shaacin oo ka qaybqaatay natiijada baarista.

Aqalka Cad oo wax ay ka waydiisay Washington Post warbixinta CIA-da ayaa waxaa uu ku tilmaamay inay tahay arrin sirdoon , waxaana CIA-da iyo Aqalka Cadba ay diideen inay fahfaahin dheeraad ah ay bixiyaan.

Kashojji oo caan ku ahaa maqaalada Washington Post ayaa lagu dhex dilay gudaha qunsuliyadda Istambuul ee Sacuudi Carabiya 2dii bishii October markii gudaha uu u galay dhismaha isagoo doonayay inuu dukumiinti usoo qaato guurkiisa qorshaysan.

Sacuudiga ayaa iska diiday eedaymaha dilka inuu ka dambeeyay, balse masuuliyiinta Turkiga ayaa sheegay inay sii wadayaan cadaymaha Riyadh ee ku lug lahaasha dilka, waxaana markii dambe ay dowladda Sacuudigu soo saartay hadalo isburinaya oo dilka Kashojji ku saabsan, iyadoo qiratay dilka inay kaalin ka cayaareen sirdoonkeeda ayna u ciqaabayso.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com