Cilmi Baaris Lagu Sameeyey Wadashaqaynta Warbaahinta iyo Laamaha Ammaanka oo Muqdisho Lagu Soo Bandhigay

Cilmi Baaris Lagu Sameeyey Wadashaqaynta Warbaahinta iyo Laamaha Ammaanka oo Muqdisho Lagu Soo Bandhigay

Dood Cimiyeed ku aaddan sida ay u wada shaqeyn karaan hey’adaha ammaanka iyo warbaahinta ayaa lagu soo bandhigay cilmibaaris ay sameeyeen Machadka cilmi-baarista Soomaaliyeed ee ku adkeysiga dhibaatooynka (SDRI). Kulankan dood cilmeedka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka & Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta, Wasiir-ku-xigeenka Amniga Gudaha, Safiir ku xigeenka Midowga Yurub iyo mas’uuliyiinta bahda warbaahinta Soomaaliyeed iyo saraakiisha amniga.

ka hor dood cilmiyeedka ayaa lagu soo bandhigay madasha Cilmi-baaris laga sameeyey gobollada Banaadir, Baay iyo Mudug, taas oo ku aadaneyd saameynta Warbaahinta iyo Hey’adaha amniga ay ku leeyihiin arrimaha Federaalka iyo isqab-qabsiga Dhulalka oo gobollada Soomaalida, taas oo ay ka soo qeyb-galayaashii joogay wax badan ka fahmeen kana faa’iideen.

Dhinaca kale Dood Cilmiyeedka ayaa diiradda lagu saaray sida ugu habboon ee xoogga loo saari karo isku xirka hey’adaha amniga iyo Saxaafadda, isla markaana sare loogu qaadi lahaa xiriirka wada shaqeyn ee hey’adahaas ka dhaxeeya.

ku xigeenka Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tom Vens, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeyn hey’adaha warbaahinta iyo kuwa amniga, taas oo sare u qaadeysa himilada shacabka ee dhinaca horumarka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane C/naasir Saciid Muuse, ayaa sheegay in wasaaradda amniga ay ka go’an tahay sidii ay ula shaqeyn lahayd warbaahinta Soomaaliyeed, isla markaana ay ku howlan tahay wasaaraddu in ay sameyso xarun ay ku xiriiraan iyaga iyo warbaahinta si amniga iyo horumarka looga wada shaqeeyo.

Wasiirka Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha Xukuumadda Soomaaliya, mduane Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in wasaaraddu ay xoogga saari doonto sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga iyo aqoonta suxufiyiinta Soomaaliyeed, si ay danaha dalkooda ugu adeeggaan isla markaana ay si joogta ah uga shaqeeyaan amniga iyo horumarinta waddankooda, wasaaradduna ay soo abuuri doonta xiriir walba oo ku aaddan wada shaqeynta hey’adaha amniga iyo warbaahinta.

Ugu dambeyn xubnihii dood cilmiyeedka wadagaay ayaa soo bandhigay Qataraha la xiriirra wararka deg degga ah ee lagu qoro Baraha Bulshada iyo kuwa laga soo tebiyo goobaha dagaallada oo intaba halis ku ah nafsadda suxufiyiinta iyo amnigooda, waxa ayna soo jeediyeen in arrimahaasi laga fogaado si xog ogaalnimada saxaafaddu bulshada Soomaaliyeed ay ugu kalsoonaato.

Dood Cilmiyeedka waxaa soo xiray wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya oo u mahadceyey hey’adihii soo qaban qaabiyey iyo dadkii doodda u wadaagay si hufan, waxa uuna ku boggaadiyey warbaahinta in ay marnaba amniga dalka wax sharuud ah ku xiran oo ay gacan siiyaan dhammaan hey’adaha amniga Qaranka.
DHAMAAD

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com