HomeUncategorized

Ciidankii dawladda ee joogay Hiiraan oo gadooday iyo Guddoomiyaha Ahlu-sunna oo gaaray Beledweyn. [Akhris …]

Beledweyn, Aug 28 - Ciidamadii dawladda KMG ah ee ku sugnaa magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa diiday inay wax hawlgal ah sameeyaan

Dawlada Somaliya oo heshiis la gashey shirkad hanti dhawr si ay ula socoto kharashaadka dawladda. [Akhris …]
M/weyne Shariif oo ku dhawaaqay in waddanka ay macaluuli ka dillaacaday.
DHEGEYSO-Warkii Fiidnimo ee Daljir iyo Cabdirashiid Bashiir Maxamuud.

Beledweyn, Aug 28 – Ciidamadii dawladda KMG ah ee ku sugnaa magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa diiday inay wax hawlgal ah sameeyaan ka dib markii ay waayeen mushaarkoodii oo aysan muddo qaadan.

Saraakiisha horkacaya ciidankaasi ayaa sheegay inaysan suuragal aheyn in askari xuquuqdiisii waayey uu shaqeeyo, ayna tahay wax lala yaabo in askari har iyo habeen dagaal ku jira uu mushaar la?aan shaqeeyo.

Dhinaca kalena guddoomiyaha ururka Ahlu-sunna waljameeca ayaa gaaray magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana jira warar soo baxaya oo sheegaya inuu guddoomiyuhu wado mushaarkii ciidanka, taasi oo aan la shaacin micnaha ay huwan tahay.

Arrimahaan ayaa imaanaya iyadoo xaafado ka mid ah magaalada Baladweyn ay gacanta ku hayaan ururka Al-shaabaab oo dagaal xooggan kula jira dawladda Somaliya iyo Ahlusunna Waljameeca.

Magaalada Baladweyn ayaa bilihii dambe noqotay magaalo martigalisa dagaalo soo noqnoqday oo u dhexeeya ciidamada dawladda iyo kooxaha la dagaalamaya.

Axmed Sheekh Maxamed (Tallman)
Idaacadda Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: