Ciidanka Jubbaland oo howlgalo gaar ah ka fuliyeey duleedka kismaayo

HomeWararka

Ciidanka Jubbaland oo howlgalo gaar ah ka fuliyeey duleedka kismaayo

Ciidanka Kumaandooska ee Danab ayaa howlgal gaar ah ka fuliyay duleedka magaalada Kismaayo, iyadoo ciidamada ay gudaha u galeen deegaano xubno ka tirs

Datoor Abiy Axmed Caliy, Guddoomiyaha OPDO, oo loo wado RW Itoobiya
Farmaajo oo soo dhaweeyay ganacsiga Jaadka iyo Kalluunka la isku weydaarsanayo (daawo) |dhegayso)
Warka Caweysin Iyo Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Ciidanka Kumaandooska ee Danab ayaa howlgal gaar ah ka fuliyay duleedka magaalada Kismaayo, iyadoo ciidamada ay gudaha u galeen deegaano xubno ka tirsan Al-Shabaab ku sugnaayeen.

Sida wararku sheegayaan ciidamada ayaa galay deegaanada Cabdi Dhoore iyo Beerxaani ee duleedka Kismaayo, waxaana saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ay sheegeen in xubnihii Shabaabka isaga baxeen deegaanadaas.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xubnaha bartilmaameedka ahaa ay isaga baxeen deegaanka, ka hor inta aanay ciidamada soo gaarin.

Taliyaha Ciidanka Danab ee Jubbaland Xasan Ciraaqi ayaa sheegay in ciidamada ay weli wadaan gudashada waajibaadka saaran, isla markaana ay ku sugan yihiin deegaanadii ay la wareegeen.

Howlgalada ay fuliyaan Ciidanka Danab oo taageero ka helayay kuwa Mareykanka ayaa dhowr jeer oo hore ka dhacay deegaano ka tirsan Jubadda Hoose, waxaana howlgaladaas lagu khaarijiyay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0