Ciidanka bilayska Puntland oo qabtay gaari nooca xamuulka ah oo siday khamri.

Garowe, July 25 – Ciidanka bilayska Puntland kontroolka koonfur-galbeed ee Garowe ayaa qabtay gaari nooca xamuulka ah oo siday khamri la soo geliyey magaalada Garowe.

Cadadka khamriga la qabtay ayaa la sheegay in uu ahaa 170 dhalo, ujeedaduna ay ahayn mid ka ganacsi.

Gaariga, darawalkiisii iyo dad kale oo lagu tuhmay in ay ahaayeen mulkiilayaashii khamriga ayaa xabsiga la dhigay.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal iyo sarakiisha ciidanka bilayska oo goobjoog ka ahaa qabashada khamriga ayaa sheegay in maxaabiista la geeyey xabsiga dhexe ee Garowe, maxkamadna la gayn doono.

Khamriga iyo walxaha kale ee mukhaadaraadka ah, aan ka ahayn jaadka, ayaa mamnuuc ka ah Puntland, walow ay jiraan suuqyo-madow oo lagaga ganacsado mukhaadaraadka.

Marar badan oo hore ayaa la qabtay mukhaadaraadka sida khamri oo dad ganacsato ahi ay ka soo waarideen wadamada Somaliya ay dariska yihiin.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com