Ciidan tababar uga furmay kuliyadda Carmo iyo madax badan oo Puntland ah oo ka qayb-galay.

Garmo, June 09-Saddex boqol oo askari oo ka mid noqonayaa ciidamadabilayska Puntland ayaa maanta tababar uga bilawday kuuliyadda tababarrda ciidamada ee ku taalla degmada Carmo ee gobolka Bari.

Furitaanka munaasabaddaas waxaa ka qayb-galay wasiirrada amniga, maaliyadda kalluumaysiga iyo taliyaha ciidamada daraawiishta ee Puntland

Dhammaan mas?uuliyiintii kulankaas ka qayb-galay ayaa askarata tababarka u bilawaday ku booriyey inay si wanaagsan uga faaii’daystaan casharrada aqooneed oo lagu kobcinayo aqoontooda bilaysnimo.

Kullayadda tababarrada ciidamada bilayska ee Carmo waxaa horay uga baxay dhawr ducfadood oo ciidamo bilays ah kuwaasoo isugu jiray kuwo loo carrabinayey Puntland iyo kuwo kale oo iyana loo laylinayey dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

C/risaaq Xasan Cabdi
Daljir Bossaso

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com