Ciidamo u gaar ah illaalinta ammaanka xaafadaha oo hawl ka bilaabay Galkacyo.

Galkacyo, Nov 28 – Waxaa si rasmi ah shaqadoodii illaalinta ammaanka ahayd u bilaabay ciidamo gaar ah oo loo sameeyey 13-ka xaafadood iyo saddexda degmo ee ay ka kooban tahay magaalada Galkacyo.

Ciidamadaan oo iskugu jira bileyska iyo kuwo cusub oo loo tababaray illaalinta ammaanka xaafadaha lagana dhax qoray magaalada Galkacyo, ayaa si siman hawlo roondayn ah uga bilaabay dhammaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Galkacyo xilliga habeenkii ah.

Ciidankaan oo ah mid si rasmi ah u hoos taga taliska bileyska, ayaa loo asaasay sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen adkaynta nabad-galyada magaalada Galkacyo oo muddooyinkii ugu danbeeyey ay ka jireen shaqaaqooyin ku xun xagga amniga.

Fakar asaasidda ciidamadaan ayaa ah mid ka soo baxay , kulan ballaaran oo dhawaan ay iskugu yimaadeen mas?uuliyiinta maamulka, kuwa degmooyinka magaalada Galkacyo iyo taliyaasha ciidamada ammaanka iyo kuwa daraawiishta ee gobolkaan Mudug.

Ciidankaan ayaa loo golleeyahay xoojinta amniga magaalada Galkacyo iyadoo xaafadkastanaa ay yeelanayso talis bileys oo ay ku soo dhacaan cabashooyinka dadweynaha ee la xiriira xagga ammaanka, si ay u sahlanaato qabashada dambiilayaasha falalka ammaan darro ka gaysta gudaha magaalada Galkacyo.

Sikastaba ha?ahaatee ciidamadaan ka hawlgalaya xaafadaha kala duwan ee magaalada Galkacyo ayaa loo arkaa in ay wax badan ka badali doonaan arrimaha nabada-galayada magaalada Galkacyo.

C/fitaax Cumar Geeddi,
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com