Ciidamadda NISA oo qabtay Waxyaabaha Qarxa

Ciidamadda NISA oo qabtay Waxyaabaha Qarxa

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay howlgal qorsheysan oo Ciidanka Jubbaland ay ka fuliyeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo in lagu soo qabtay Qaraxyo la doonaayay in lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed.

“Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ee Degmadda Baardheere ayaa miinadan  ka soo saaray goob ay ku aaseen kooxda argagixisadda Alshabaab iyagoo doonayay in ay dadka shacabka ah ku dhibaateyaan Taliyaha Ciidanka Hay’adda Nabad sugida Degmada Baardheere Captain Axmed Garab gooye ayaa sheegay in lagu raad joogo ragii dhigay miinadan” ayaa lagu yiri War kasoo kasoo baxay taliska.

Ciidanka NISA ee qeybtood Jubbaland ayaa dhawaan shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen xubno ka mid ah Al-Shabaab, kuwaasoo dil ka geystay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com