Ciidamadda kenya iyo Alshabaab oo ku dagalamay Waqooyi Bari Kenya

HomeWararka

Ciidamadda kenya iyo Alshabaab oo ku dagalamay Waqooyi Bari Kenya

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegay in iska hor imaad u dhexeeya ciidamada dalkaasi iyo xubno la aaminsanyahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shab

Madexweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo xabsiga loo taxaabay
SHIRWEYNAHA 2-AAD EE NAADIGA QALANJEBIYAASHA JAAMACADDA BADA CAS OO MAANTA BOOSAASO KAFURMEY
Wasiirka arimaha gudaha ee Puntland oo mashaariic xariga kaga jaray degmada Burtinle (dhegayso)

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegay in iska hor imaad u dhexeeya ciidamada dalkaasi iyo xubno la aaminsanyahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab uu ku dhexmarey deegaan u dhow magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari ee Kenya Mohamed Birik ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidankooda ay la dagaalameen rag ka tirsan Al-Shabaab oo weerar soo qaaday,wuxuuna xusay in 1 qof ay ka dileen,islamarkaana dhankoodi uu 1 askari kaga dhintay dagaalkaasi.

Deegaanka Fino oo weerarka uu ka dhacay 24 saacadood ee la soo dhaafay gudahooda ayaa khayaas ahaantii 6 KM u jira xadka ay wadaagaan labada dal,waxaana uu xoostaga magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Hay’adaha sirdoonka Dalka Kenya ayaa sheegay ain goor sii horeysay ay heleen xogo ku saabsan in Al-Shabaab ay qorsheynayeen weeraro ay ka geystaan gudaha dalkaasi mar kale,balse laga hortagay.

Mohamed Birik ayaa sheegay ay soconayaan howlaglo ballaaran,isagoo intaasi ku daray in ay ku raadjoogaan ragii weerarka soo qaaday.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: