Ciidamadda Dowladda oo degaano cusub kala wareegay Alshabaab

HomeWararka

Ciidamadda Dowladda oo degaano cusub kala wareegay Alshabaab

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay Deegaanka Baladul Amiin ee Gobolka Shabeelaha Hoose,halkaas oo

Warka Fiidnimo, cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Dowladda Sudaan oo sheegtay inay qabsatay degaano ku yaal Itoobiya
Maxaa Keena in Gabdhuhu Ka Haraan Waxbarashada Ama Kuyaraadaan Goobaha Waxbarasho (dhegayso)

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay Deegaanka Baladul Amiin ee Gobolka Shabeelaha Hoose,halkaas oo sida la sheegay ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa ka ruqaansaday deegaanka Bariiri ee Gobalka Shabeelaha Hoose, iyagoo xooraan ku helay in deegaanka Baladul Amiin ay Al-Shabaab ku suganyihiin, isla markaana ay bilaabeen howlgal ay ku baadi goobayaan Xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan deegaankaas.

Saraakiisha Taliska Ciidanka lugta ee xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen in ciidamda ay howlgalka kula wareegeen Godale, Cadaleey, Luqamaan, Cilmi Shide iyo Baladul Amiin oo hoostaga Degmada Toora-Toorow ee Gobolka Shabeelada Hoose iyo goobo kale.

Bilihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo howlgal kula wareegay deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: