Ciidamadda AMISOM oo qarax lala eegtay

Ciidamadda AMISOM oo qarax lala eegtay

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa deegaanka tareedisho ee duleedka Magalada Muqdisho Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrrika ee AMISOM.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Kolonyo ka tirsan AMISOM qaraxa Miino lala eegtay xilli ay ku socdaalaayeen inta u dhaxeysa deegaanada weeydoow iyo Tareedisho,waxaana jira khasaaro kala duwan oo qaraxaasi ka dhashay.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ay fureen rasaas farabadam taas oo la sheegay inay waxyeelo kasoo gaartay dad Shacab ah.

Ciidamada AMIOSM ayaa mudo daqiiqado ah waxaa ay hakad geliyeen isku-socodka dadka iyo Gaadiidka,wallow markii dambe ay dib u fasaxeen,waxaana haatana si caadi ah u socda dadka iyo gaadiidka ee deegaanada weeydow iyo Tareedisho ee duleedka Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com