Ciidamada dowladda iyo Ehellusuna oo dagaal khasaare dhaliyey ku dhexmaray qaybo ka mid ah Gedo

Beled-xaawo, October 26, 2013 – Degmada Beled-xaawo ee ku taala xuduuda u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya ayaa weli waxaa ka taagan xiisad u dhexeysa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ururka Ehellusuna oo mar sii horaysay la mideeyey.

Dagaal khasaare geystay ayaa deegaanka ka dhacay 24 saac ee ina dhaafay, waxaa dhintay saddex ruux oo labbada dhinac ah waxaana jira dhaawac kale oo intaas ka badan, dagaalka ayaa wakhti qaatay balse haatan qaboobay in kastoo xiisadu weli jirto.

Afhayeenka ururka Ehellusuna ee gobollada Koonfureed sheikh Maxamed Xuseen Al-qaadi ayaa dagaalka ka hadlay waxaana uu sheegay in ciidankooda la soo weeraray isla markaasna ay is difaaceen, Al-qaadi ayaa hadalkiisa ku daray in ciidanka xiisada dhaliyey ay ka yimaadeen dhinaca degmada Doolow.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta waxay sheegeen in dagaalku ahaa mid culus, xaalada degmada iyo meelihii lagu dagaalamay ayaa degan, wararka aan helayno ayaa sheegaya in xiisadu tahay mid ka dhalatay weeraro iyo qaraxyo ka dhacay Beled-xaawo.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com