HomeUncategorized

Ciidamada booliska Australia ayaa sheegey in afar ruux oo shalay laga qabtay magaaala Sydney ee waddankaas ay qorshaynayeen in weeraro ismiidaamin ah ku qaadaan xero ciidamada milatariga dalkaas ay ku leeyihiin duleedka Sydney.

Wararka hordhaca ah ee ka soo baxaya boolisku waxa ay intaas raacinayaan in ay shaqsiyaadkan damacsanaayeen ka hor inta aanay naftooda miidaan in ay

Puntland oo looga dabaaldegay sanadguuradeedii 11-aad ee dhismaha Puntland. [Akhris …]
Cali Mire ?dhimasho iyo baragkac xoog leh baa ka dhashay roobab xalay ka curtay Guardafu?(Waraysi)
Wasiirka qorshaynta ee Puntland oo tafaasiil ka bixiyey qorshaha gargaarka deg degga ah ee gurmadka abaaraha.

Wararka hordhaca ah ee ka soo baxaya boolisku waxa ay intaas raacinayaan in ay shaqsiyaadkan damacsanaayeen ka hor inta aanay naftooda miidaan in ay dad badanna sii toogtaan. Raggan ayaa ay da?doodu u kala dhaxaysaa 22 ilamaa 26 jir, sida ay saraakiisha ammaanka ee Australia tibaaxeen.

Booliska Australia oo tixraacaya xogo dhinaca sirdoonka ah ayaa sheegey in kooxahan ay xidhiidh la wadaagaan ururka Al-shabaab ee la rumaysan yahay in uu gacan saar la leeyahay Al-qaacidda.

Sirdoonka dalkaasina waxa uu sheegey in 7 bilood oo hore lagu raadjoogay wararka la xidhiidha waxa ay raggan oo u kala dhashay dalalka Soomaaliya iyo Lubnaan ay beegsanayeen.

Raggan lagu eedeynayo maleegidda falalka argagixisonimo ayaa shalay ay ciidamada booliska ee dalkaas qabteen markii ay hawlgal ay ku sameeyeen 19 guri oo ku yaalla degaanka laga soo xidhay.

Ma aha markii ugu horraysay oo shaqsiyaad Soomaaliyeed oo qubo ku nool ah lagu eedeeyo xidhiidh kala dhexeeya ururka Alshabaab iyo qorshaynta falal ammaanka dalalka ay joogaan ka dhan ah.

Adam Shardi Axmed
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: