Ciidamada Asluubta magaalada Garoowe oo uu u furmay tababar shaqo.

Garowe, Apr 28 – Tababarkaan Loo Qabanayo Ciidamada Asluubta ee Magaalada Garoowe ayaa Waxaa uu Socon Doonaa Mudo 3 Maalmood ah Waxaana uu ku Saabsan Yahay Sidii Ciidamada Asluubta ee Magaalada Garoowe Loo Fahansiinlahaa Xaquuqda ay Leeyihiin Dadka Maxaabiista ah iyo Waliba Sida ugu Haboon ee loola Dhaqmi Karo

Tababarkaan ayaa Waxaa lagu soo Bandhigey Hoolka Shirarka ee Jaamacada PSU Garowe iyadoo ay kasoo Qeybtaateen Masuuliyiin kakala Socota 2 Gole ee Dawlada Puntland iyo Saraakiil Sar Sare oo uu Ka Mid Yahay Taliye Kuxigeenka Xabsiyada Puntland Gaashaanle Dhexe Muxuyadiin Axmed Muuse

Ugu Horeyntii Waxaa Tababarkaan Furay Latiliyaha Haleelka Shirciyada ee UNDP Garyaqaan Tahliil Xaaji Axmed Waxaana Tahliil uu Sheegey Tababarkaan inuu Yahay Mid Faa’iido Weyn u Ah Ciidamada Asluubta loona Baahan Yahay Askariga ilaalada ka ah Xabsiyada inuu Yaqaano Xaqa iyo Xaquuda uu Leeyahay Qofka Maxbuuska ah

In kastoona Lugu Dhaliilo Xabsiyada Puntland in Dadka lugu xiro aysan helin Xuquuqda ay Leeyihiin Maxaabiistaasi ayaa Dhinaca kale Ciidamada Xabsiyada ee Puntland Waxa ay Fursado u Helaan Tababarro is Dabajoog ah oo ay ku Garab Siinayaan Qeybo ka mida Hay’adaha iyo Ururada ka Howlgala Puntland kuwaasi oo Taba barro ugu Qabta Magaalooyinka Waa weyn ee Dawladda Puntland.

Dhanka Kale Tababarkaan Loo Sameeyay Ciidamda Asluubta ee Magaalada Garoowe ayaa Waxaa Fanka ku Baxaya Bixineysa Hay’ada UNDP oo Fulinta Tababarkaan La Kaashatey Ururka Waawa

Isku soo wada Duuboo Tababarkaan Ayaa Waxa uu Daba joogaa Tababar Maalintii Shalay ka Furmay Magaalaa Boosaaso ee Xarunta Gobolka Barri kaasoo loo Qabanayey Ciidamada Asluubta ee Magaalada Boosaaso Waxaana Tababaradaani oo Dhan ula Jeedkoodu yahay Inay Fahmaan Askarta ilaalada Xabsiyadu Sharciga u Dhexeeya Maxbuuska Iyo Askariga Waardiyaha ah

Mahamed A/lahi Ali
Kooshin Daljir Garowe

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com