Ciidama Kenya oo qabqabtay dhallinyaro badan kadib qaraxyo ka dhacay Mandheera.

Mandheera, July 28 – Inta la ogyahay 33 dhalinyaro ah ayaa ciidamada milatariga Kenya waxay ku qab-qabteen hawl-gallo ay ka fuliyeen magaalada Mandheera ee ku taalla xadka kala qaybiya, Soomaaliya iyo Kenya sida uu Radio Daljir u xaqiijiyay nin ka mida ganacsatada degaanka.

Hawl-galkaan ay ku dhaqaaqeen ciidamada xaduudda Kenya, ayaa waxaa ay la xadhiidhaan, ka dib markii maalinimadii shalay ahayd, uu degaankaasi ay kadheceen labo qarax oo isku xig-xiga, kuwaasoo lala bartilmaameedsadey fariisin ciidanka xaduudda Kenya ay ku lahaayeen aaggaasi. Waxaasi illaa xilligaan aan la sheegin khasaaraha dhabta ah ee qaraxyadaasi ay geysteen iyo cidda ka danbeysey.

Dhanka kale, waxaa joogsaday oo hakad galey isku socodka dadka iyo gaadiidkii isaga kala gooshi -jiray deegaanka Mandheera iyo deegaannada ku dhow dhow, iyada oo aysan jirin waxa ganacasi ah oo hadda magaaladaasi ka jira.

Odayaasha dhaqanka ee maagaalada Mandheera ayaa wada dadaallo ay ku doonayaan in lagu soo daayo dhlinyarada ay ciidanka xaduuda Kenya xabsiga dhigeen.

Siciido Axmed Jaamac (Kiin)
Daljir Garowe http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com