Cambaarayn & Baaq Nabadeed – dilalka iyo amni darida la soo daristay Puntland – Boqor C/llaahi Boqor Muuse.

BAAQ NABADEED: Boqor C/llaahi Boqor Muuse
Ref. Bos/2/10 Feb. 2, 2009
Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Ku: Ummada Soomaliyeed
Ku: Gollaha Isimada Soomaliyeed
Ku: Saxaafada guddaha iyo dibadda
Ejeedo: Baaq iyo Cambaareen

Sida la wada ogsoon yahay waxaa bilihii lasoo dhaafay soo kordhay arrimo Amaan daro iyo dilal loo geysanayo shaqsiyaadka muhiimka u ah shacabka iyo dadweynaha Soomaliyeed. Haddaba sidii uu qaraxii ardayda iyo masuuliyiintii dowlada lagu beegsaday dhamaadkii sanadkii hore waxaad moodaa in markaan dab laga shidayo degaanada nabadda ka jirta ee Soomaaliya gaar ahaan Goballada Puntland. Anigoo ku hadlaya magaceyga iyo kan odayaasha dhaqanka ee Soomaliyeed waxaan cambaareynaynaa weerarada foosha xun oo lala beegsanayo shacabka iyo masuuliyiinta u adeega bulshada Soomaliyeed.

Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan geesiyadii geeriyooday oo gacmo ka gardaran haleeshay, waxaan si Gaar u xusayaa geesigii Ardayda iyo dhalinyarada madax u ahaa oo dhowaan rag u hubeysan ay ku beegsadeen magaalada Bosaso, waxaan Eebe ugu baryayaa inuu ka mid noqdo raggii ummada Soomaliyeed u shahiidey Ilaahay Samir iyo iimaan ha innaga siiyo, naxriistii janno ha ka warabiyo.

Waxaana shacabka nabada jecel farayaa inaysan ka daalin dadaalkooda nabadeed oo ay la sheqeeyaan laamaha amaanka sugaya, waxaa kaloo shacabka xasuusinaya amaan darada meelkasta adduunka way ka dhacdaa laakiinse shacab iyo dowlad oo iskaashada ayaa looga hortagaa.

Sidaa darteed Ummada Soomaliyeed guud ahaan gaar ahaan Gobballada Puntland waxaa looga baahan yahay in ay iskaashato oo meel looga soo wada jeesto waxa hortiina iyo hareerahiina ka dhacaya, dhamaan waxgaradka, dowlada, ganacsatada iyo ururadda bulshada ee nabbada jecel waa in ay yeeshaan hal mowqif si loo helo nabadgalya waarta.

Boqor Cabdullahi Boqor Muuse Y. Boqor Cismaan

Boqorka Beelaha Daarood
Chairman of Darod Council
Secretary of kings of Africa
Email: [email protected]

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com