Cadaado iyo Caleemosaarka Madaxweyne Xaaf

Cadaado – Magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug waxaa ka socota qabanqaabo ballaaran oo ku aadan xafladda caleemasaarka madaxweynaha cusub ee KMG ah ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, taasoo lagu wado in ay dhacdo 29ka bishaan May ee 2017.

Qabanqaabada xafladeed ayaa maraysa heer gabagabo ah, iyadoo la diyaariyey goobtii loogu talagalay in lagu qabto xafladda caleemosaarka iyo guryihii martida sida ay Daljir u xaqiijiyeen masuuliyiin ka mid ah maamulka Galmudug, kana mid ah qabanqaabiyayaasha xafladda caleemosaarka.

Sida qorshaysan xafladda caleemosaarka amdaxweynaha cusub ee KMG ah ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxaa ka qaybgali doona madaxda dawladda federaalka, madaxda dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka, wakiilo beesha caalamka ah iyo marti sharaf kaleeto oo dalka iyo dibedda ka kala imaanaya.

Xafladda caleemosaarka ayaa horay labo jeer dib ugu dhacday, waxaana madaxweyne Xaaf oo la doortay 3dii bsihaan May uu todobaad kadib doorashadiisa sheegay in xafladdiisa caleemosaarku dhici doonto 22ka bisha, hase ahaatee ma dhacin, waxaana markale loo muddeeyey caleemasaarka 24kii isla bishaan, taasoo ay suuroobi wayday in ay ku qabsoontao, ugu dambaynna waxaa loo cayimay in ay dhacdo 29ka bishaan May oo haatan saddex maalmood oo kaliya ay naga xigto.

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa ah madaxweyne KMG ah, waxaana uu xilka loo doortay in uu hayo muddo labo sano oo kaliya ah, taasoo ka dhimmanayd muddadii horay loo doortay madaxweynihii hore ee xilka iska casilay, baarlamaankuna sheegeen in ay ka qaadeen Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com