C/raxmaan C/shakuur “Soomaaliya xiriir diblomaasiyadeed weligeed lama yeelan dalka Gini, Go’aanka Xukuumadda waxaa ka muuqda…”

Hoggaamiyaha mucaaradka ee Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa si weyn u dhaliilay tallaabadii Xukuumadda Soomaaliya xiriirka ugu jartay dalka Gini ee ku yaalla Galbeerka Qaaradda Afrika.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in Soomaaliya aanay weligeed xiriir diblomaasiyadeed la yeelan dalka Gini, isagoo ku tilmaanay go’aanka Xukuumadda inuu yahay mid ka muuqda fudeed iyo qaangaar la’aan diblomaasiyadeed.

“Go’aanka Xukuumadda Federaalka ee xiriirka ugu goysay dalka Gini oo aan weligii Soomaaliya xiriir diblomaasiyadeed la yeelan waxaa ka muuqda fudeed iyo qaangaar la’aan diblomaasiyadeed, dowlado ay ka mid yihiin Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti ayaa habmaamuus iyo soo dhoweyn maqaam sare leh horey ugu qaabilay madaxda Somaliland, xukuumadduna kama falcelin, xiriirna uma jarin”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu saddex qodob ku salleeyay go’aanka Xukuumadda xiriirka ugu goysay dalka Gini:-

1- Marba meel dhac aan lahayn mowqif mid ah oo sugan, maadaama falalkii diblomaasiyadeed ee kuwan la midka ahaa oo horey u dhacay laga aamusay, kana halkii ugu danbeysay looga falceliyey.

2-Go’aanku wuxuu sawir ka bixinayaa fududeydka iyo qaangaar la’aanta diblomaasiyadeed ee hoggaanka sare ee dowladda, sababtoo ah falceliska diblomaasiga ahi wuxuu leeyahay habraac marxaladaysan iyo curfi diblomaasi ah oo la maro. Xiriir jariddu waa tilaabta ugu danbeysa ee ma ahan tan laga bilaabo.

3- Go’aanku wuxuu kala durjinayaa isku soo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna fursad siinayaa inta ku hawlan kala fogeynta labada dhinac iyo in waddada wadahadalka xiranto.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com