Buuhoodle oo laga sameeyey olole nadaafadeed ( Sawiro)

Buuhoodle, Sep 18-13, Magaalada Buuhoodle ayaa maanta laga ?sameeyey hawlgal balaaran oo lagu nadiifinayo xaafadaha kala duwan ee magaalada iyadoo ay ka qayb qaadanayeen noocyada kala duwan ee Gaadiidka.
?
Suuqyada & xaafadaha kala duwan ee magaalada Buuhoodle ayaa dhamaantood laga sameeyey ololahan nadaafadeed iyadoo lagu beegay xili uu soo dhowyahay wakhti roobaadka dayrta, taasoo la tilmaameen in laga hortegayo qashinka & biyaha roobku inay isdhexgaalaan.
?
Baabuurta qashinka ka gurayey Xaafadaha magaalada Buuhoodle ayaa kusoo daadinayey ?meel ka ka fog magaalada halkaasoo looga qoday hog loogu talagalay in lagu gubo qashinka oo kuyaala duleedka magaalada Buuhoodle.
?
Saleebaan Aadan Cilmi oo kamid ah ?golaha deegaanka ee degmada Buuhoodle oo saxaafadda kula hadlayey goobta lagu gubayo qahsinka ayaa sheegay in tani ay kamid tahay waxqbadka golaha deegaanka & balan qaadyo ay hore u sameeyeen.
?
Ololahan nadaafadeed ee maanta laga sameeyey magaalada Buuhoodle ayaa dadweynaha gobolku siweyn usoo dhoweeyeen iyadoo xubnaha golaha deegaanku sheegeen inay sii wadi doonaan ololaha noocan oo kale ah
?
Diiwaanka Wararka?
Radio Daljir
Buuhoodle?
?
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com