Booliska Soomaaliya oo ka hadlay eedeymo loo soo jeediyay

HomeWararka

Booliska Soomaaliya oo ka hadlay eedeymo loo soo jeediyay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar ayaa iska difaacay eedo loo jeediyey oo ahaa inuu faragalin iyo is hortaag ku sameeyey shaq

Mustaqbal & Boosaaso iyo Nabadoon Xarago
Howlgalo amniga lagu xaqiijinayo oo Boosaaso ka socda .
Xulashada Daljir iyo Axmed Cabdulqaadir Sheekeeye (dhegayso)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar ayaa iska difaacay eedo loo jeediyey oo ahaa inuu faragalin iyo is hortaag ku sameeyey shaqada guddoomiyaha KMG ee golaha shacabka.

Waxaa uu sidoo kale beeniyay In Ciidanka booliska Soomaaliya ay hakiyeen maanta shaqadii ka socotay xarunta Golaha Shacabka.

War saxaafadeed.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed isagoo u fulinaya si waafaqsan habraacyada iyo heshiska
doorashada iyo waajibaadka guud ee ciidanka, waxa ay sugayeen amniga doorashacda qaran ee
dalka intii ay socotay Doorashada Xildhibaannada dhammaan gobollada dalka, dhaarinta
Xildhibaanada iyo xaqijinta amniga iyo xasilloonida dalka.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu beeninayaa wararka aan sal iyo raadka toonna lahayn ee baraha bulshada lagu so bandhigay, oo ahaa:
In Boolisku hor istaagay shaqada Golaha Shacabka ee Xarunta Villa Hargaysa iyo
In Cidanka Booliska uu shalay Guddomiyaha KMG ee Barlamanka u diideen Teendhada

Hangarka, oo ah wax laga xumaado in dad Ma’uuliyiin ah abaalgud uga dhigaan Ciidanaka
Booliska oo shaqo adag u haya ummada Somaaliyyed.

Haddaba, Cidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu caddeynayaa in;
In aysan jirin Ciidan Boolis ah oo saaka joogay Xarunta Villa Hargaysa, oo ay amnigeeda
sugaan ciidamo kale oo aan ahayn Booliska, mana jirto ciidan boolis ah oo saaka tegay halkaas.

Udiyaargarowga Doorashada Aqalka Sare oo ka socotay Teendhada Afisyooni awgeed,
booliska iyagoo gudanaya waajibuadkooda, sidii caadiga ahayd, waxaa shalay Xarunta ka socday
howlo amniga lagu sugayo, waajibaadka amni ee badqabka goobta, hubinta amniga
mas’uuliyiinta, hawl-wadeennada, marti-sharafta iyo warbaahinta iyadoo la raacayo habraacyada
doorashada, mana jirin shaqo ku saabsan Golaha shacabka oo halkaas ka socotay.

Waxaanna rajeynaynaa in si nabad ah Allah noogu dhammayn doono hawiaha qaran ee ay ugu
horreeyaan Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka iyo midda Madaxweynaha

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: