Howlgalo amniga lagu xaqiijinayo oo Boosaaso ka socda .

HomeWararka

Howlgalo amniga lagu xaqiijinayo oo Boosaaso ka socda .

Ciidamada amniga  ee gobobolka Bari ayaa howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ka wada 17ka xaafadood ee ay magaalada Boosaaso ka kooban tahay. Howlgala

Dowladda Federaalka oo sheegtay in la dilay saraakil ka tirsan Alshabaab
Xulashada Daljir & Axmed Sheekeeye, Daljir Garoowe (dhegayso)
Caa’isha Aabbaheed: “Waanwaan iyo wadahal midna kama gelayo kufsigii iyo dilkii gabadhayda” (dhegayso|daawo)

Ciidamada amniga  ee gobobolka Bari ayaa howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ka wada 17ka xaafadood ee ay magaalada Boosaaso ka kooban tahay.

Howlgaladan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay  dhalinyaro looga shakiyay in ay falal amni daro ka gaysteen magaalada Boosaaso, kuwaas oo ku xiran saldhiga bartamaha ee magaalada.

Xalay ayay ahayd markii rag hubeysan magaalada ay  ku dileen guddoomiyihii hore degmada Qandala Maxamed Quurshe oo in ka badan hal saac meedkiisa goobta yaalay.

Quurshe, waxaa guddoomiyaha degmada Qandala loo doortay 18- January sanadkii  2012, xilligaasi oo degmada Qandala ay yeelatay golihii degaan ee ugu horreeyay.

Jaamac Khuurshe ayaa xilka Guddoomiyaha Qandala laga qaaday, 30-May-2018, wakhtigaas oo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas uu kala diray Golihii Degaanka Qandala, islamarkaana si ku meel gaar ah Guddoomiye ugu magacaabay Yuusuf Maxamed Ciise (Qixiye)

Magaalada Boosaaso ayaa horay waxaa uga dhacay dilal kala duwan oo qaar ka mid ah ay sheegteen Al-Shabaab,mana jirto cid ay laamaha amniga u soo qabteen falalkii amniga lidiga ku ahaa ee ka dhacay magaalada Boosaaso  oo loo soo bandhigay  Saxaafada.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: