Dowladda Federaalka oo sheegtay in la dilay saraakil ka tirsan Alshabaab

HomeWararka

Dowladda Federaalka oo sheegtay in la dilay saraakil ka tirsan Alshabaab

Howlgalkaan ayaa waxaa laga fuliyay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe,waxaana la sheegay in lagu dilay Saraakiil iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Sh

Warka Arooryo iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir cWaaq (dhegayso)
Trump oo isbitaal loola cararay
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)

Howlgalkaan ayaa waxaa laga fuliyay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe,waxaana la sheegay in lagu dilay Saraakiil iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka ay fuliyeen Ciidamo faransiis ah oo taageerayay Ciidanka dowladda, kadib markii Saddex diyaaradooda ay ku daadiyeen duleedka degmada Jilib, isla markaana halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Dowladda oo qeyb ka ahaa howlgalka ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku doonayeen inay kusoo qabtaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab, balse dagaal ay la galeen ay ku dileen laba Sarkaal iyo 16 kamid ahaa ilaaladooda halka Xubno kale lagu dhaawacay.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Jubbooyinka ee Maamulka Jubbaland ayaa dhowr jeer waxaa la dhacay duqeymo ay fuliyeen Diyaaradaha Mareykanka oo taageerayay Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo la sheego in lagu dilay Xubno Shabaab ah.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: