Trump oo isbitaal loola cararay

HomeWararka

Trump oo isbitaal loola cararay

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump loo qaaday cisbitaalka si loo daweeyo, ka dib markii laga helay xa

Muqdisho: Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Xubno ka tirsan Al-Shabaab
Deegaano ka tirsan gobolka Kar kaar oo laga soo sheegayo Abaar iyo Biyo la,aan( dhegayso)
DAADAD KU SOO ROGMADAY DOOXAHA HARGEYSA OO DAD QAATAY.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump loo qaaday cisbitaalka si loo daweeyo, ka dib markii laga helay xanuunka COVID-19.

Aqalka Cad ayaa sheegay in go’aanka loogu qaadayo Xarunta Caafimaadka Milatariga ee Walter Reed “laga qaatay” taxaddar fara badan “.

Markii cisbitaalka loo qaadayey, madaxweynaha ayaa isaga oo si aayar u socda ka soo baxay Aqalka, xilli ay sugeysay dayuurad helicopter ah oo u qaadday cisbitaalka militariga ee Walter Reed oo ku yaalla magaalada Bethesda ee gobolka Maryland ee duleedka magaalada Washigton, DC.

Madaxweyne Trump ayaa dhowrka maalmood ee soo socda joogi doono qeyb gaar ah oo cisbitaalka ku taalla, taxadar dartii, sida ay sheegtay xoghayaha saxaafadda ee Aqalka Cad, Kayleigh McEnany.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0