DAADAD KU SOO ROGMADAY DOOXAHA HARGEYSA OO DAD QAATAY.

HomeWararka

DAADAD KU SOO ROGMADAY DOOXAHA HARGEYSA OO DAD QAATAY.

Roobaba lixaadleh oo ka da'ay Hargeysa iyo deegaanno ka badan ayaa daadad lixaadleh soo rogay, kaasoo dad ku qaatay fiidnimadii hore ee caawa dooxa we

Shirka Wadatashiga Dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya oo Garoowe ka Furmay (dhegayso)
Xulashada Daljir & Axmed Sheekeeye, Daljir Garoowe (dhegayso)
Xulashada Daljir & Xasan Heykal iyo Daljir Bossaso (dhegayso)

Roobaba lixaadleh oo ka da’ay Hargeysa iyo deegaanno ka badan ayaa daadad lixaadleh soo rogay, kaasoo dad ku qaatay fiidnimadii hore ee caawa dooxa weyn ee magaalada Hatgeysa.

Saddex qof oo wada saarnaa hal gaari, ahaana aabbe, hooyo iyo ilayar oo ay dhaleen ayaa daadku ku qaatay, waxaana si dirqi ah ku badbaaday aabbihii iyo ilmihii yaraa, halka hooyadiina illaa hadda la la’yahay nolol iyo geeri toona.

Najax Cabdi Cawil oo ahayd hooyo dhashay 5 carruur, ayay la tageen biyuhu, waxaana saacado badan socda haatan gurmad lagu baadigoobayo hooyadaasi.

Baabuurkii oo biyuhu qaateen laftigiisa ayaa goor dambe oo caawa ahayd la helay isagoo burbursan, markii aragti ugu dambaysayna maamo Najax Cabdi Cawil waxay ku dhex jirtay gaariga oo biyaha dhex sabbaynayey.

Ehelada Najax, ayaa warbaahinta u sheegay baaritaanku in uu ka socdo masaafo dheer oo toggaasi ah, balse aan la helin raqiyo ruux saacado badan gurmadka arrinkaasi lagu hawlanaa.

Eheladu, waxay dhaliil u jeediyeen xukuumadda Somaliland oo ay sheegeen markii horena in aysan xal iyo maarayn u keenin qulqulka biyaha iyo togga jidadku dhexmaraan, markii wax dhaceenna uusan jirin wax gurmad ah oo laamaha dawladdu ka gaysteen badbaadada iyo baadigoobka toona.

Togag kala duwan oo biyo lixaadleh ku soo dhacaan ayaa mara deegaannada Somaliland kuwaasi oo horay u geystay khasaare naf iyo maalba leh kadib markii ay qaateen dad, duunyo iyo gaadiidba.

Soomaaliya oo dhan ma jiro qorshe la xiriira biyaha roobka iyo ka faa’idaysigooda, mana jiro qorshe nabadgalyo oo dadka iyo duunyaduba uga badbaadi karaan haddii daadad soo rogmadaan.

Diwaanka wararka
Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: