SOMALILAND OO SAAKA DAGAAL SOO QAADDAY, DUQAYSAYNA LAASCAANOOD.

SOMALILAND OO SAAKA DAGAAL SOO QAADDAY, DUQAYSAYNA LAASCAANOOD.

Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee saaka soo weerartay magaalada Laascaanood, gaar ahaanna aagga galbeedka oo ay fadhiyo ku leeyihiin ciidamada deegaanka ee SSC Khaatumo.

Weerarkaasi kuma guulaysan Somaliland, dib ayaana loogu khasbay in ay ku laabtaan fariisimadii markii hore ay ka soo duuleen oo ah Goojacadde.

Illaa hadda lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay, inkastoo si xooggan loo maqlayey daryanka hubka culus iyo kan fududba.

Dagaalka saaka dhacay, welina meelaha qaar ka socda waa looga itaal roonaaday Somaliland, waxayna taas baddelkeeda madaafiic la bartilmaameessadeen gudaha magaalada, madaafiicdaasi oo ku habsatay guryo deegaan ah, goobo ganacsi iyo gaadiid dadweynuhu leeyahay.

Weerarka saaka ee Somaliland, wuxuu imaanayaa xilli saacado ka hor Maraykanku u digay Somaliland, farayna in ay ciidamadeeda kala guurto Laascaanood, halka dadka deegaankana laga dalbay in aysan weerarin ciidaankaasi Somaliland hadday aqbalaan ka guuridda aagaggooda Laascaanood.

Sida muuqata Somaliland dhegaha ayay ka furaysatay baaqayadii is dabajoogga ahaa ee beesha caalamka, uuna ugu dambeeyey midkii Maraykanka oo meelaha qaar huwanaa hajabaado cawaaqibkooda leh, loogana digayey dagaalka Somaliland.

Somaliland ayaa goosasho ku dhawaasay sannaddii 1991dii, xilligaasi oo ahayd markii ay burburtay dawladdii millatariga ahayd ee soomaaliya, dhawaaqa goosigoodaas oo aan weli helin cid dhegjalaq u siisa, ayaa salka ku hayey dagaalkii dawladdii millatariga ahayd ku qaadday Hargeysa dabayaaqadii siddeetamaadkii, xilligaasi oo ay jamhad mucaarad ah samaysteen.

Maamulkaasi Somaliland, iyagoo tabashadoodu ku tiirsan tahay dhibaato dagaal oo loo geystay, iyo magaalooyin la duqeeyey ayay iyaguna ku fooganyihiin maanta falkii cuqdaddoodu ka abuurantay ee dagaalka iyo duminta magaalooyinka.

Muddadii labad biloow ahayd ee Somaliland weerarka iyo duqaymaha ku haysay magaakada Laascaanood, waxaa dhintay boqolaal qof oo shacab ah, boqolaal kalana waa ay dhaawacmeen, kuwaasi oo carruur da’yar ah iyo haweenba ay ku jiraan.

Waxaa barakacay kumanaan qoys, kuwaasi oo haatan ku dayacan deegaanno ka baxsan laascaanood oo ay maciin bideen kadib markii guryahoodii lala dhacday madaafiic iyo hooboyayaal aan loo meeldayin.

Waxaa gubtay guryo badan, kuwana waa burbureen, waxaana sidoo kale Somaliland bartilmaameedsatay goobihii danta guud, sida iskuulladii, goobihii caafimaad oo isbitaalka guud uu ku jiro, korontadii magaalada, shirkaddii biyaha siin jirtay magaalada, hoteello iyo xarumo dad maato ahi degganaayeen.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0