Farmaajo oo ka hadlay doorashada Guddoonka Aqalka Sare ee Maanta dhacday

Farmaajo oo ka hadlay doorashada Guddoonka Aqalka Sare ee Maanta dhacday

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo dib loogu doortay Xilka Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guuddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay dhammaystirka doorashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Guddoonka Cusub iyo xubnaha Golaha Aqalka Sare in ay sii ambaqaadaan shaqooyinkii muhiimka u ahaa dowlad-dhiska Soomaaliya ee la soo qabtay sannadihii la soo dhaafay, isaga oo Alle uga baryey in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmaday, uuna waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoomiyihii Ku-meel-gaarka ahaa iyo Guddigii Qabanqaabada Doorashada Guddoonka, sida xilkasnimada leh ee ay u maamuleen doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo ku qabsoontay hannaan dhiirrigelinaya dhammaystirka Doorashooyinka Dalka

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com