Booliska Gobolka Bari oo Baaritaano ku Wada Dilal Saacadihii la soo Dhaafay ka Dhacay Bosasso (dhegayso)

Booliska magaalada Bosasso ee xarunta gobolka Bari ayaa ku raad jooga dilalkii shalay iyo maanta kadhacay magaalada Bosasso ee xarunta gobolka oo lagu dilay dad uu uu ka mid ahaa taliye kuxigeenkii saldhiga bartamaha ee Bosasso Cabdi Cali Falaag (Cabdi Dheere).

Gaashaanle dhexe Axmed Jaraale oo ah taliye kugxigeenka qaybta booliska ee gobolka Bari oo la hadlay radio Daljir ayaa sheegay inay booliska soo qabanayaan dadkii falalkaasi dilka gaystay, isagoona intaasi ku daray ammaanka magaalada Bosasso uu yahay mid sugan , ayna caalamka ka dhacaan dilalka argagaxisada, ciidamaduna yihiin kuwa ku rood jooga dadna la hayo kuwaasi oo imminka uu sheegay inay baaritaano kusocdaan.

Magaalada Bosaaso ayaa waxaa todobaadkan kadhacay sadex dil , waxaana ka mid ahaa dadkii la dilay guddoomiye kuxigeenkii hore ee gobolka Bari Khalar Ismaaciil inkastoo gacanta lagu soo dhigay dadkii dilay.

Hoos kadhagayso waraysiga uu siiyay wariyeyaasha Daljir

 

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com