HomeUncategorized

Biya la?aan soo wajahday qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Galkacyo, kaddib markii uu jabay mid ka mid ah ceelashii biyuhu.

Galkacyo, Apr 19 ? Biyo yaraan aad u xooggan ayaa laga dareemay magaalada Galkacyo toddobaadkii ugu danbeey, taasi oo si weyn u saamaysay dhammaanba

Madaxweynaha Soomaaliya oo lakulmay wafti kasocda Germany.
War saxaafadeed: Talo bixin dhacdooyinka nabadgelyo darro ee Puntland.
Caawa iyo Daljir_Axad Nov -11-2012, Cabdifataax Cumar Geeddi_Nairobi Kenya

Galkacyo, Apr 19 ? Biyo yaraan aad u xooggan ayaa laga dareemay magaalada Galkacyo toddobaadkii ugu danbeey, taasi oo si weyn u saamaysay dhammaanba xaafadaha magaalada Galkacyo.

Biyo yaraantaan ayaa ka danbaysay kaddib markii uu jabay mid ka mid ah ceelashii biyaha siin-jaray magaalada Galkacyo sida ay sheegeen mas?uuliyiinta shirkadda biyaha Galkacyo ee GALWA.

Qaar ka mid ah xaafadaha magaalada ayaa gabi ahaanba biyuhu ka go?naayeen muddo dhawr maalmood, gaar ahaan xaafadaha ku yaalla meelaha dhul-udheerta ah waxaana dadka xaafadahaasi ay cabbaan haatan biyaha xareed ah oo ay Booyaduhu soo dhaamiyaan.

Maareeyaha shirkadda biyaha ee GALWA Fu?aad Abshir Xassan, ayaa waraysi uu siiyey idaacadda Daljir ku sheegay in ay haatan ku hawlan yihiin sidii biyuhu ay si caadi ah ugu soo laaban-laahaayeen dhammaaanba xaafadaha magaalada Galkacyo.

Maareeyuhu, waxaa uu carabka ku dhufay in ay ka xun-yihiin biya la?aanta magaalada haysta, wuxuuna sheegay saacadaha soo socod in ay si rasmi ah ugu guulaysan doonaan kabitaanka ceelka xumaaday.

Biyo la?aanta magaalada Galkacyo ka dhacay waxaa ay ku soo beegantay xilli kulayle aad u darani uu ka taagan yahay magaalada Galkacyo, ayna aad u sarayso baahida biyaha loo qabaa.

C/fitaax Cumar Geeddi,
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: