Beesha Caalamka oo Ka Hadashay Doorashada Galmudug

Beesha Caalamka oo Ka Hadashay Doorashada Galmudug

Beesha caalamka ayaa war degdeg ah ka soo saartay doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug oo maanta kadhacaysa magaalada Cadaado oo xarun kumeel gaar ah u ah maamulkaasi.

“Beesha caalamka ee United Nations, African Union, European Union, Intergovernmental Authority on Development, Ethiopia, Italy, Sweden, United Kingdom and the United States waxay si dhow ula socdaan xaaladda Galmudug waxayna dhiirigelinayaan tallaabooyinkii wanaagsanaa ee la qaaday toddobaadyadii ugu danbeeyay oo wadahadal dib u heshiisiin ah la furay” ayaa lagu bilaabay qoraalka beesha caalamka.

Wahadalka ayay beesha caalamka sheegay inuu muhiim u yahay in la gaaro dib u heshiisiin, doorashooyin loo dhan yahay iyo dhismaha mamau; sal-ballaaran, taasoo lagama maarmaan u ah nabadgelyada iyo sharciyadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Waxay beesha caalamka sheegtay inay ka xun tahay inay wadahadalkii istaagay, waxayna ugu baaqday dhinacyada inay si daacadnimo ku jiro u sii wadaan waanwaanta, si loo gaaro maamul loo dhan yahay. Waxay kaloo beesha caalamka ugu yeertay labada dhinac inay ka gaabsadaan wax waliba oo wax u dhimi kara dib u heshiisiinta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com