Beelo ku dagaalamay buuraleyda Calmadow ee Gobolka Sanaag.

Beelo ku dagaalamay buuraleyda Calmadow ee Gobolka Sanaag.

Wararka ay idaacada Daljir ay ka helayso deegaanada Yube iyo Shidan ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi maanta dagaal xoogan uu ku dhexmaray labo malayshiya-beeleed oo halkaasi wada dagan.

dagaalka ayaa la sheegay in uu salka ku hayo macdan noocya kala duwan leh, oo ay halkaasi ka wada-guran jireen labada dhinac, balse markii dambe ay ku heshiin waayeen.

ilaa iyo haatan lama oga khasaaraha dhabta ah ee dagaalkan uu dhaliyay, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu iskiis u joogsaday duhurnimadii maanta.

 

labada dhinac ayaa isku hor fadhiya deegaanka, mana jirto ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay maamulada Puntland iyo Soomaaliland oo gobolka sanaag ka wada arimiya.

 

labadan beelood  ayaa dhowr jeer oo hore ku dagaallamay degaanka Shidan iyo nawaaxigiisa, waxaana odayaasha iyo waxgaradka degmada Yubbe ay Somaliland ku eedeeyeen, in ay taageero siinayso dhinac kamid ah malayshiyaadka.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com